Ururka ONLF oo beeniyay in ay ka hareen shaacinta Xisbiyada deegaannada Itoobiya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka ONLF ayaa beeniyay in uu buuxin wayaay shuruudaha xisbinimo, sidaa awgeedna laga leebay liiska xisbiyada rasmiga ah ee la filayo in ay ka qeyb qaataan doorashada dalkaasi ka dhici doonto bartamaha sanadka dambe.

Inta la ogyahay ilaa laba xisbi siyaasadeed oo kaliya ayaa ka soo baxay dowlad deegaanka Soomaaliya oo mid ka mid ah uu yahay xisbiga barwaaqo ee maamulka haatan jira.

Ururka ONLF ayaa ahaa jabhad hubeysan oo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya balse heshiis ayuu la saxiixday dowladda ra’iisalwasaare Abiy Axmed, kaa oo horseeday in la soo xareeyo ciidamadii jabhaddaasi isla markaana ONLF ay ka mid noqoto xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Haseyeeshee waxaa in dhawaale jirtay warar sheegayay in ururkaasi uu buuxin wayaay shuruudihii looga baahnaa xisbiyada siyaasadda, sidaana lagu reebay oo aan loo diiwaangelin xisbi ahaan.

Haddaba arrintaasi ayaa waxaa beeniyay Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) oo ah afhyeenka ururkaasi.

Waxaa uu sheegay in xisbigooda uu yahay midka ugu horeeyey ee la diwaan geliyey, mana jirto ayuu yiri qoralaada lagu sheegay inay ka hareen shaacinta xisbiyada.

Caddaani ayaa sheegay in 5 gobol ay ka heleen 11,000 oo cod oo laga raba inay  xisbiyada helaan si loo shaaciyo, wuxuuna sheegay in xisbigooda uu yahay midkii ugu horeeyey ee soo bandhiga sharuudaha laga rabay.