Villa Somalia oo falcelin “habaar iyo dhaliil xoogan” kala kulantay Tacsida Xildhibaan Aamina.

Dilka Xildhibaan Aamina kadib, page-ka Villa Somalia waxaa la soo dhigay farriin tacsi ah oo Madaxweye Farmaajo ugu tacsiyeynaayey geeriada Xildhibaan Aamina Maxamed oo lagu dilay qarax ismiidaanmiin ah.

Falcelin isugu jirta eedeyn, habaar iyo dhaliil xoogan ayey xalay dadka isticmaala baraha Bulshada kala hortageen qoraalkii Tacsida ahaa ee lagu daabay Bogga Villa Somalia taasoo ah farriin ka tarjumeysa isbadalka shacabka ee taageerada Madaxweyne Farmaajo.