Villa Somalia oo lacag ku bixineysa hadal been abuur ah iyo ujeedka ay ka leeyihiin

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar ka mid shaqsiyaadka barabagandada u faafiya Farmaajo, oo uu ugu horreyo qaadumka u qaabilsan Gobolka Banaadir, Cali Yare, ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn baraaha bulshada, ugu faafiyay, war sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble, isku sharaxayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa faafinta warkaan ku bixineysa lacag xooggan, u-jeedkuna, waa in la af-duubo hadal heynta ka dhalatay khaarijinta Allaha u naxariistee, Xildhibaan Aaamino Maxamed Cabdi, oo loo dilay sidii loo dabooli lahaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacan kooxda Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan.

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ayaa caan ku ah, in ay baddelaan muujadda hadal-heynta, ee iyaga ka dhanka ah, xilliyada qaar waxa ay maleegaan falal amni darro, oo reeba saameyn xooggan, si bulshadu u hilmaamaan dhacdada iyaga lagu tuhmayo, markaanse waxa ay diiradda saarayaan in meesha ka saaraan dareenka dilka AUN, Aamimo.

Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu hore u caddeeyay in uusan ka mid ahayn taratamayaasha sanadkaan u taagan tartanka Madaxweynaha, hayeeshee, haddii uu go’aansaday inuu badalo mowqifkiisii hore, waxaa xaqiiq ah in uusan isbuucaan iyo kan xigaba ku dhawaaqeyn masharraxnimadiisa laba sabab dartood.

1- RW Rooble, waa gar-hayaha doorashooyinka iyo hoggaanka amniga dalka, haddii uu is-sharaxayo, waa inuu marka hore dhameeyo doorashooyinka baarlamaanka, isla-markaana is-baddel rasmi ah ku sameeyo hoggaanka laamaha amniga oo hadda gacanta ugu jira Fahad iyo Farmaajo oo la shaqeysta Al-Shabaab.

2- RW Rooble, haddii uu is sharaxyo, kuma soo aaddinayo xilli uu wali qoyan yahay dhiiggan Xildhbaan Aamino iyo shacabkii Baladweyne, oo loo beegsaday kiis uu isagu galkiisa hayo, mana u suuraawdo inuu waaqiga muragada ee hadda jira damaashaad u baddelo.

Maxamed Xuseen Rooble, waxaa si weyn loo amaanay doorkiisa siyaasadeed, ugu yaraan lixdii bilood ee la soo dhaafay, wuxuuna kasbaday taageero xooggan, oo gudaha iyo dibadda ah, taas ayaana macquul ka dhigeysa inuu baddelo mowqifkiisii hore, una istaago qabashada xilka ugu sarreeya dalka.

Waxaa middaas u sii dheer, Rooble, wuxuu saameyn xooggan ku lahaa doorashooyinka, wuxuuna inta badan soo xulay xildhibaannada reer waqooyiga iyo Banaadiriga, halka uu galangal badan ku lahaa qaar ka mid ah doorashooyinkii ka dhacay maamullada..