Villa Somalia oo qarisay in Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay COVID-19

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta laga helay caabuqa COVID-19, taasoo sababtay in dhamaan waftigu ay karaantiil ku galaan Abu Dhabi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qarisay inay sheegto sababta waqtiga dheeraadka loogu kordhiyey safarka Madaxweynaha. Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yaqaanay dhaqanka qarinta waxyaabaha dabiiciga ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubnaha laga helay Fayruska COVID-19, waxaa ka mid ah Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda NISA, Mahad Maxamed Salaad iyo xubna kale oo ay ku jiraan howl-wadeennada xafiiska Madaxweynaha.

Arrinkaan ayaa sabab u ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxuud, uusan wali la kulmin dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, isla-markaan uu dheeraaday waqtigii loo qorsheeyay safarka oo ku ekaa galinkii danbe ee malinnimadii Talaadada [shalay].

Madaxtooyada Soomaaliya wali kama aysan ka hadlin arrinkaan, xilli ay jiraan waydiimaha shacabka oo ku aaddan xogta wafitaga Madaxweynaha oo ay ugu war-danbeysay, 19-kii bishaan xilligaas oo ay ka degeen Caasimadda Imaaraadka Carabka ee Abu Dhabi.

Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku dhicin Coronavirus, haddana Madaxda Adduunka ma qariyaan marka uu asiibo cudurkan, waana wax caadi ka ah Adduunka oo aanay ceeb aheyn qofka uu ku dhaco Corona Madaxda iyo wafdigooda.

Sidoo kale arrinkaan wuxuu saameyn ku yeeshay qorshihihii la doonayay in MW Xasan Sheekh uu maanta Golayaasha Baarlamaanka hor geeyo Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay ee Xamse Cabdi Barre, qorshahaas ayaana fashilmay maadam Xasan maqan yahay.