Villa Soomaaliya oo arrin darteed loogu dhejiyey Sawirrada Shariif & Xasan Sheekh.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyneyaashii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo muuqday sawirradooda Madaxtooyada dalka.

Waxay qeyb ka yihiin sawirada 9-kii Madaxweyne Ee Soomaaliya soo maray islamarkaana maalmaha xoriyada awgeed lagu xardhay Aqalka looga arimiyo dalka.

Bogga Twitter-ka Madaxtooyada ayaa lasoo geliyey duhurnimadii Sawirka ay ka muuqdaan sagaalkii madaxweyne ee soomaaliya soo martay.

Sawirradaan ayaa loogu talo galay xuska maalmaha Xoriyada oo hab maamuus madaxdii dalka soo martay awgeed loogu dhejiyey Villa Soomaaliya.

Xasan iyo shariif ayaa mucaarad ku ah Farmaajo oo weli xukunka heysta inkastoo wakhti xilleedkiisa uu dhamaaday balse inta madaxweyne kale la helayo uu Villa Soomaaliya sii joogi doono.