Villa Soomaaliya oo ka hadashay safarkii MD Xasan Sheekh Ee Adis ababa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta waxay faah faahsan ka bixisey safaradii Madaxweyne Xasan Sheekh ku kala bixiyey Dalalka Turkiga,Imaaraadka carabta,Eriteria,Kenya iyo Jabuuti.

Afhayeenka Madaxtooyada C/kiriin Cali Kaar,oo shir jaraa’id uqabtay saxaafada maanta ayuu sheegay in uu miro dhal ahaa safaradii Madaxweynaha Soomaaliya ku kala bxiiyey dalalkaasi.

Mr C/kiriin Cali Kaar ayaa hoosta ka xariiqay inay wax badan oo guul ah kasoo baxeen safaradaasi,si gaar ah Midka Ereteria oo ciidamo Soomaaliyeed oo warkooda la weysanaa dib loo helay.

Waxa uu sheegay inaysan muhiim aheyn in lala wadaago warbaahinta galkii Farmaajo uu ku wareejiyey xogta ciidamada Ereteria Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wixii uu Madaxweynaha markii uu tegay Asmara inay isku mid yihiin iyo inkale.

Su’aal la weydiiyey Afhayeenka Madaxtooyada oo aheyd socdaalkii Xasan Sheekh Ee Adis ababa iyo in Itoobiya ay joojisey jadwalka oo ka buuxay awgeed ayuu si dadban usheegay in wixii safar ah Madaxweynaha ama shaqo uu qabanayo baraha internet-ka lasoo dhigi doono.

Villa Soomaalia ayaa sidoo kale cambaareysay weerar Axadii maalin ka hor Al Shabaab Ka fuliyeen magaalada Jowhar,iyagoo alle uga baryey janadiisa dadkii dhintay kuwa dhaawaca ahna uu bogsiin deg deg ah siiyo.