Waa kee ninka loo saadaalinaayo inuu ku guuleysto doorashada galabta ka socota Jowhar.

Doorashada Aqalka Sare ee HirShabeelle

JOWHAR-AYAAMAHA-Waxaa magaalada Jowhar ka bilaabatay doorashada labada Kursi ee ka harsanaa 8 kursi Aqalka Sare ee dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Doorashada Kursiga sumacadiisa tahay #UH14 ayaa hadda socota, waxaana ku tartamaya saddex Musharax oo kala ah C/qaadir Xanafi, Cali Shacbaan iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, iyadoo doorashadii kurisgan uu buuq iyo fowdo hareeyay, markii wareegga koowaad ee codeynta uu soo dhamaaday.

Cali Shacbaan ayaa la filayaa inuu soo baxo oo kursigan loo doortay, waxaana wata Madaxweyne Kuxigeenka oo dadaal ballaaran ugu jiray labadii todobaad inuu Cali Shacbaan kursigan ku guuleysto.

Sidoo kale kursiga labaad ee sumadiisa tahay #UH08 ayaa doorashadiisa ay dhici doontaa, waana kursi Haween kaliya ku tartamayaan, waxaana ku loolamaya Naciimo Ibraahim Yuusuf oo horay kursiga ugu fadhisay iyo Zamzam C/llaahi Axmed oo la sheegay inuu wato Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana loo badinaya inay Zamzam ku guuleysan doonto