Waa kee Shaqsiga loo qorsheeyey in loo magacaabayo agaasimaha madaxtooyada?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magacaabo agaasimaha madaxtooyada marka uu maanta si rasmi ah xafiiska ula waraago.

Senator hore Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle kana mid ah guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  la filayaa in xilkan culus loo magacaabo, waana jagadii ugu horreysay Madaxweyne Xasan Sheekh uu bixiyo.

Magacaabistan ayaa sidoo kale dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.

Xasan Sheekh ayaa laga sugayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu usoo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub oo aan ilaa hada aanay jirrin qof sirasmi ah loogu saadaalinayo.