Waa kuma agaasimaha cusub ee Wasaarada Arrimaha Guadaha Federaalka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa si KMG ah uu xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu magacaabay inuu noqdo Caydaruus Macalin Xasan Cabdulle, kaasi oo bedelaya mas’uulkii isaga ka horreeyay.

Magacaabista Caydaruus Macalin ayaa ku timid, kadib markii la arkay baahi loo qabo in la dardar-geliyo habsami u socodka Arrimaha maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaana xilka laga qaaday Agaasimahii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Saciid Cabdullahi Calasow oo Beesha Abgaal Cismaan ah .

Ceydaruus Macalin ayaa bishii hore ee September laga qaaday xilka Maareeyaha Hay’adda Tayadhowrka Qaranka.