Waa kuma Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirweynihii xisbiga Waddani oo maalintiisii labaad ka socda Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland, maanta Guddoomiyaha xisbigaas loogu doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka uu musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu dhashay sannadkii 1966, waxaanu waxbarashadiisii ​​hoose-dhexe dhammaystay 1987-kii.

Markii uu dhamaystay waxbarashadiisii ​​sare, Xirsi waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM horraantii sagaashamaadkii.

Muddo ka dib, markii Somaliland gaar ugu dhawaaqday goonni isu taaggeeda, Xirsi waxa uu waxbarashadiisii dib uga bilaabay Somaliland, kaddibna wuxuu sii aaday India iyo UK, isaga oo xoogga saaray culuumta teknolojiyadda ICT iyo Maamulka.

Sidoo kale, wuxuu dhawaa Sharciga iyo Shareecada ka bartay labada jaamacadood ee Alpha iyo Beder.

Waxa uu ku bilaabay khibraddiisa shaqada mid iskaa wax u qabso ah ka dibna waxa uu ku biiray qaybta xawaaladaha ee Dahabshiil Group. Waxa uu noqday maamulaha guud ee shirkadda Somtel oo qayb ka ah shirkadda isgaadhsiinta ee Geeska Afrika.Xirsi waxa uu ka guuray ganacsigii wuxuuna u wareegay siyaasadda. Xilligii Xisbiga Kulmiye uu ahaa Mucaaridka, waxaa loo doortay in uu ku metelo komishanka, isaga oo noqday Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ka dib wuxuu xilkaas hayay muddo sannad ah, wuuna iska casilay markii dambe.

Markii xisbigiisa uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay talada Somaliland, sannadkii 2020, waxa uu Xirsi u magacaabay Madaxa Golaha Wasiirada, isaga kaddibna noqday Wasiirka Madaxtooyada, wuxuuna xilkaas iska casilay 2015.

Wuxuu muddo kaddib ku biiray Xisbiga Waddani. Wuxuu bilawgii xisbigaasi ka noqday Hoggaamiyaha. Iyada oo haddana uu noqday Guddoomiyaha cusub ee xisbigaas.

Xirsi waa qoraaga buugaag dhowr ah oo kala ah: Miyiga illaa Madaxtooyada & Hodanka Baahan iyo Himiladayda.

BBC