Waa kuma Musharaxa keliya ee kusoo bixi doono kursiga ugu horeeya ee doorashada Waqooyiga?

Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland
Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland

Waxaa maanta oo Sabti ah la filayaa iney bilaabato diiwaan gelinta musharaxiinta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ka soo gala Gobalada Waqooyi.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee SEIT waxa toddobaadkan  bilaabanaysa Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka taa oo si weyn loogu loo lami doono.

Musharrixiinta ugu cadcad kuraasta lagu bilaabi doono doorashada ayaa kala ah: Raiisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige.

Waxaa dhanka kale la filayaa in doorashadan ay noqoto mid daah furan oo madax banaan islamarkaana ay labada dhinac ee mucaaarad iyo muxaafad ku loo lamaan.

Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa kor joogteyn doono doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee Gobalada Waqooyi kuwaa oo ay ku tashtaan dhamaan saamileyda siyaasadda.