Waa kuma Ninka lagu bedelay Kulane jiis?

MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu magacaabay Madaxa Shaqaalaha Hay’adda NISA, kaasoo todobaadkii hore laga qaaday C/llaahi Kulane.

Madaxa cusub ee Shaqaalaha Hay’adda NISA ayaa loo magacaab  Cabaas Yacquub.

Cabaas ayaa ka mid ahaa hoggaanka sare ee NISA, waxaana uu hayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada.

Warar hoose ayaa sheegaya in Cabaas loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA, marka uu xilka xilka banneeyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu doonan rabo kursi Xildhibaan, si uu Xasaanad ugu helo.