Waa Kuma taliyaha Booliska Soomaaliya ee la magacaabayo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-XOG hoose oo la ogaaday ayaa sheegeysa in xilka hogaanka taliska ciidamada booliska soomaalia dhawaan la magacaabayo ,iyadoo warar kala duwan ay soo baxayana xilkaasi iyo shakhsiyaadka raadinayey.

Taliyaha Booliska ayaa la sheegay in loo magacaabayo General C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) oo labo jeer hore loo magacaabay xilkaasi.

General Saacid a aa lasoo shaqeeyey madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh iyadoo mar kale uu noqon doono xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya sida xogta la sheegayo dhawaana la shaacin doono.

Warar kale ayaa sheegaya in saraakiil kale oo raadinayey xilka Taliyaha cusub Booliska ay ku hungoobeen,taas oo dad badan ay leeyihiin general Saacid waxa uu hore ugu fashilmay xilkaan.

Sidoo kale waxaa Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Soomaaliya loo magacaabayaa Nuur Xayir Gaas oo ah Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gobolka Shabellaha hoose.

Xogaha hoose ayaa sheegeysa in iyaguna isbadel lagu sameyn doono taliyeyaasha ciidamada booliska degmooyinka marka la saldhigo taliska guud ee Booliska oo ay Xayir iyo Saacid Imaan doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u arka General Saacid mid kasoo dhalaali kara xilkaan oo dhowr jeer hore lasoo shaqeeyey,waxaana lasoo warinayaa in general xijaar iyo hogaanka laamaha amniga ay ku guuldareysteen nabad gelyada guud.