Waa kuma Taliyaha Cusub ee Booliska Gobolka Banaadir?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.

G/le Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa bedelaya Taliyihii hore ee qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo 30-kii Bishii September lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Mahdi ayaa Shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Hay’adaha Amniga dalka, isaga oo mar soo noqday Taliyaha Arrimaha Bulshada Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA iyo xilalka kale.

Sidoo kale Taliyaha cusub ee qeybta Booliska obolka Banaadir Gaashaanle Mahdi ayaa hadda ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda NISA qeybteeda deegaannada Galmudug.