Waa kuma wasiirka keliya ee Soomaalida ah ee kujira Wasiirada cusub ee Itoobiya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ee xukuummaddiisa u maamuli doono shanta sano ee soo socota.

Wasiiradaas waxaa ku jiro hal qof oo Soomaali ah oo keli ah, waana Axmed Shide oo markale xilka wasaaradda Maaliyadda loo magacaabay.

“In kasta oo aan kala duwannahay, haddana waa in aan qaadanno dhaqan wada shaqeyn ah,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka.

“Ku darista kuwa kale iyo la shaqayntoodaba, waxay xisbiyada siyaasadda ka caawin doontaa inay aasaas u noqdaan mustaqbalka.”

Dib u soo noqoshada Axmed Shide ee xilka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay in uu la sii shaqeeyo ra’iisul -wasaare Abiy oo dadaal ugu jira in isbadal dhaqaale uu ka hirgeliyo dalkaas, gaar ahaan in dib u eegis lagu sameeyo hayadaha ganacasiga ee dowladda u xiran.

Waxaa liiska cusub ee golaha wasiirada ka mid ah seddax qof oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku-meel -gaarka ah ee Tigray-ga oo ay dawladda samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonka dib u qabsan gobolka, ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Abiy Axmed waxaa laba maalmood ka hor loo dhaariyay in shanta sano ee soo socota uu hoggaamiyo dalkaasi, kaddib markii uu xisbigiisa ku guulaystay doorashadii muranka badan uu ka dhashay ee Itoobiya ka dhacday bishii June ee sanadkan.

Waa kuma Axmed Shide?

Waa siyaasi muddo dheer ka soo dhex muuqday Siyaasadda Itoobiya, haatana waxa uu noqday wasiirka keliya ee Soomaalida ah ee soo noqday.

Axmed Shide

Axmed Shide waxaa uu culuunta maareynta kheyraadka iyo xallinta khilaafaadka kusoo bartay mac-had ku yaala dalka Netherland. Ka dib wuxuu shahaadada koowaad ee arrimaha horumarinta ka qaatay jaamcadda Salix ee dalka Britain.

Waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay ka mid yihiin ku xigeenka madaxa xafiiska beeraha iyo horumarinta deegaanada, gudoomiyihii guddiga arrimaha xoola dhaqatada oo uu ahaa sannadkii 2003-da iyo madaxa xafiiska wanaajinta adeegyada bulshada.

Nin lagu magacaabo Girma Gutema oo sheegay inay saaxiibo dhaw yihiin Axmed ayaa tilmaamay in Shide uu ku soo barbaaray magaalada Nageyle ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo qaatay waxabarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare.

Sannadkii 2008 ayaa markii ugu horreeysay loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda. Sidoo kale bishii Nofeembar ee 2016-kii waxa uu noqday Wasiirka Gaadiidka.

19 April 2018 waxaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxa Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda.

12-kii bishii August 2018-kiina waxaa uu noqday Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaaliyeed (SPDP) isagaoo baddalay madaxweynhii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa kale oo uu horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta ee Itoobiya.

Xisbigiisa ayaa markii dambe la midobay xisbiga Burwaaqo taariikhda markii ay ahayd 1-dii bishii Diseembar 2019-kii.

Shide ayaa 16-kii bishii Oktoobar 2018-kii markale loo magacaacay Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Itoobiya.

Maantana oo taariikhdu tahay 6-da Oktoobar 2021 waxaa uu Raysal wasaare Abiy Axmed markale u magacaabay isla wasiirka Maaliyadda.

BBC