Waa kuma Xildhibaanka kale ee lagu doortay Muqdisho?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa goordhaw soo gabagabowday doorashada Golaha shacabka ee Xildhibaanada Gobalada Waqooyi taa oo maanta lagu qabtay xerada School Boolisiya.

Doorashada oo aheyd mid musuq maasuq leh islamarkana wax tartan ah aysan gelin musharaxiinta ayaa waxaa tartankii koowaad kusoo baxay Mahdi Guuleed oo 97 cod helay halka 91 cod uu helay Biixi Imaan Gige.

Biixi oo ahaa kursigii 2-aad ee maanta la doortay ayaa horay uga tirsanaa Golaha shacabka waxaana uu difaacday gursigiisa.

Laba musharax ayaan la kulmin wax challenge ah ama tartan taa oo muujineysa sida ay e ukaan doonto doorashada soo socota ee Golaha shacabka iyadoo ergooyin la siiyay lacag u dhaxeysa 2,000$ ilaa 3,000$.

Waxaana Labadan Xildhibaan ay u muuqdaan kuwa ka socda garabka Farmaajo islamarkaana uu codadkooda ku tashanayo.