Waa kuwee Musharaxiin isaga hari doono tartanka doorashada Madaxweynaha.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Musharaxiinta ka badan labaatameeyo ayaa u taagan xilka u sareeya dalka, ayada oo maalmaha soo socda ay kala cadaan doonto musharaxiinta dhabta ah ee u tartamaya xilkaas iyo kuwa magaca un ku raadinaya.

Shalay iyo maanta waxaa magaalada Muqdisho ka socota diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada madaxweynaha, ayada oo loo balansan yahay inay dhacdo maalinta Axada ee  soo socda ee 15-ka MAY 2022.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee shalay is diiwaan-geliyey, islamarkaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha, waxaana ku xigsaday sagaal kale, taasi oo tirada guud ka dhigaty 10 murashax inay is-diiwaan geliyeen shalay.

Musharaxiinta qaar ayaa qorsheynaya inay ka haraan tartanka kadib shuruudaha adag ee la hor dhigay musharaxiinta isku soo tagaya xilka madaxweynaha, kuwaasi oo aysan buuxin karin, sidaasina kusoo afjareysa rejadooda musharaxnimo.

Qoddobka ugu culus ee walaaca ku abuuray musharaxiinta qaar ee aysan ka gudbi karin ayaa noqday inay keenaan saxiixa 20 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu reebo xubnaha magaca un ku raadinayey inay yihiin musharaxiin, waxaana durba muuqata inuu reebayo musharaxiin badan, kuwaas oo aan heli karin 20 xildhibaan oo u saxiixa inay taageersan yihiin.

Inkastoo weli si sax ah loo arki ama aysan ku dhawaaqin liiska isaga hari doono tartantanka Madaxweynaha hadan waxaa maalmahan soo socdo la ogaan doonaa kuwa dhabta ka tahay iyo kuwa kale.

Halkan kugu Musharax aad ugu shakisan tahay inuu isaga hari doono tartanka.