Waa Sidee Saaka Xaalada Magaalada Muqdisho Kadib Banaanbaxyadii Shalay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Arbaco ah waxaa saaka degan xaalada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii xalay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata

Saaka Majiro ruux banaanbaxaya, waxaana si caadi u socodo howlihii nolol maalmeedka caadiga ahaa ee inta badan shalay hakad kujiray, waxaana magaalada laga dareemayaa jawiga ka degan midkii shalay.

Qoraal uu soo qoray Taliyaha Haramcad ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay sugaan Amniga Caasimadda, isagoo shacabka u sheegay inay amniga kala shaqeeyaan.

Banaanbaxii shalay ka dhacay magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, waxaana lagu tilmaamay kuwo amniga caasimada wax u dhimaya.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu banaanbaxa yahay mid sharci ah oo ay shacabka ku muujinayaan rabitaan kooda, waxaa uuna cadeeyey in isagu xasan Sheekh ahaa diyaar u yahay inuu ka qeyb galo banaanbaxa.