Waa sidee saaka xaaladda magaalada Baledweyne?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaaladda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka deggan kaddib markii xalay ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle oo diidan maamulka Hirshabelle ay qabsadeen xarunta maamulka gobolka.

Dibadbaxyada ka dhacay magaalada ayaa sidoo kale waxaa loogaga soo horjeeday safar uu dhawaan madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ku tegi lahaa magaaladaasi, iyagoo dadka isu soo baxayna ay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah maamulkiisa.

Dhanka kale waxaa xalay magaalada soo galay maleeshiyaad taageersan Janaraal Abuukar Xuud, kaas oo hore uga tirsanaan jiray milateriga Soomaaliya xilligii dowladdii Janaraal Maxamed Siyaad Barre, kaas oo todobaatameeyadii ka soo qeybgalay dagaalkii waqtigaas dhexmaray Somaaliya iyo Itoobiya.

Janaraal Xuud ayaa dhowr bilood ka hor samaystay maleeshiyaad u gaar ah, xilligaas oo uu ka gadooday habkii loo maamulay doorashadii maamulka cusub loogu dhisay Hirshabeelle.