Waa sidee xaaladda degaanka Camaara oo lagu dagaalamay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaaladda degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa saaka degan kadib markii shalay gelinkii hore Al-Shabaab ay kula wareegeen weerar ku bilowday qaraxyo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ula wareegay degaanka Camaara, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Wararka saaka laga helayo degaanka Camaara ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid caadi kusoo noqotay, balse Bulshada ay weli dareemayaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka duleedka iyo gudaha degaanka Camaara ka wadaan howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaaiijinayo.

Degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa horaantii Bishaan Ciiidamada isgarabsanaya ay kala wareegeen Al-Shabaab, hayeeshee Al-Shabaab ay isku dayayaan inay markale dib jla wareegaan.