Waa tuma gabadha Hindida ah ee aflagaadaysay Rasuulka (NNKH)?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliiska magalada Delhi ee dalka Hindiya ayaa diiwaan galiyay kiis dacwadeed oo ka dhan ah afhayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma kaasi oo xiriir la leh aflagaado la sheegay in ay u geysatay Nabi Muxamed (SCS).

Booliiska Delhi ayaa diiwaangeliyay kiiskan ka dhan ah dhowr qof oo ay ku jiraan xubnihii hore ee BJP Nupur Sharma iyo Naveen Jindal oo lagu eedeeyay inay faafinayeen hadalo nacayb ah.

Tallaabooyiinkii ay qaadeen xisbiga BJP iyo sida ay uga fal celiyeen , waxaa jira dareen caro iyo niyad jab ah oo ka dhex jira taageerayaasha iyo shaqaalaha xisbiga BJP.

Marka ay xaaladu halkasi mareyso su’aasha taagan ayaa waxay tahay sababta uu arrintan jahwareer uga dhex abuurtay gudaha xisbiga BJP ?

Hindiya ayaa waxay maalmimihii u dambeeyay ay wajahday cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaasi haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH).

Nupur Sharma ayaa 10 maalmood ka hor gefkaasi ku kacday kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowladood oo Muslim ah.

Axaddii, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah.

Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan “taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihin”.

Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin “aragtida xagjirka”

Dalalka Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas.

Qadar ayaa sheegtay in ay Hindiya ka rajeyneyso raalligelin dadweyne.