Waa tuma xaaska Madaxweynaha Ukraine ee uu “raadinayo Ruushku”?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, waxaa si weyn u caan baxay Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo si aan horay loo fileyn isaga caabiyay weerarka ay ku qaaday xukuumadda Moscow.

Zelensky ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedka koobaad ee Ruushka, halka qoyskiisana uu yahay kan labaad. Hadaba maxaan ka ognahay xaaska u dhaxda Madaxweynahan aan la ogeyn goobta saxda ah ee uu ku sugan yahay?

Magaceedu waa Olena Zelenaska. Waa 44 jir baratay qoridda sheekooyinka filimada. Waxa ay Madaxweyne Zelensky u dhashay gabar iyo wiil lagu kala magacaabo Aleksandra iyo Kirill.

Marwada koobaad ayaa si buuxda u garab istaagtay iska caabinta uu hogaaminayo seygeeda ee Ukraine ay kula jirto Ruushka. Todobaad ka hor inta uusan billaaban duulaanka ayaa waxa ay barteeda Telegram ku qortay sidatan:

“Maanta, ma noqon doono mid argagaxda ama ilmaysa. Waan isdejinayaa oo kalsooni ayaan yeelanayaa. Carruurtayda ayaa i daawanaya. Waxaan garab taaganahay carruurtayda, seygayga iyo dhammaan shacabka dalkayga.”

Bishii April 2019, Volodymyr Zelensky ayaa si lama filaan ah ugu guulaystay madaxtinnimada Ukraine, isagoo markaa ahaa jilaa iyo majaajileysto aan khibrad u lahayn siyaasadda iyo hogaaminta. Dad kooban oo u badan kuwa ka shaqeeya madadaallada ayaa xilligaas aqoon u lahaa xaaskiisa Zelenaska.

“Ma ihi qof caan ah, waxaana jeclahay in aan ka dhuunto indhaha caalamka. Seygayga ayaa ah nin ay dadka yaqaanaan, aniguna waxba kama aqaano siyaasadda iyo kaftankeeda,” ayay waagaas u sheegtay wargeyska Vogue.