Waare oo Farmaajo ku eedeeyay in uu wado abaabul Ciidan kana dhan ah doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo, iyada oo lagu guda jiro xilli doorasho in uu ku howlan yahay abaabul Ciiddan.

Waare oo wareysi uu siiyay TV-ga Universal Tv wuxuu sheegay in Farmaajo uu doonayo in uu dalka ku qabsado xukun Millateri, isla markanaa uu jiro qorshe gaar ah oo Farmaajo uu laleeyahay taliyayaashiisa ciiddamada kala duwan ee qalabka sida.

“ Farmaajo ma ahan mid doorasho rabo , wuxuu qorsheeyay in ciidamada Eritrea ku maqan ee lasoo tababaray iyo ciidamo kale oo Itoobiya ka imaanaya loo adeegsado in lagu qabsado dalka, dhaqdhaqaaqyada hadda socda iyo taliyayaasha lala shirayo waa qorshe culus ,” ayuu yiri Waare.

Hahadalka Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kusoo aadayaa xilli khilaaf cusub uu ka taagan yahay Arrimaha doorashooyinka oo guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay ku kala qeyb sameyn.