Wada hadalladii laga dhex waday Beelihii ku dagaallamay galbeedka Baladweyne oo lasoo gabagabeeyay +Sawirro

Wafdigii Dowlada dhexe iyo maamulka Hirshabeelle ee muddooyinkii u danbeeyay Baladweyne u Joogay xallinta dagaal Beeleedyo kadhacay duleedka Waqooyi ee Magaalada Baladweyne oo Maanta Kormeer kusameeyay xaafadda Holwadaag.

Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Hirshabeelle,Siraaji Sheekh  Isxaaq Cabdille, wasiiru dowladda Wasaaradda Caddaaladda XFS Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid wasiir ku xigeenka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim iyo xubno kale, waxanay sheegeen inay soo gabagabeeyeen wada hadalladii labada beelood ee halkaasi ku dagaallamay.

Siraaji Sheekh Isxaaq, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlanaka Hirshabeelle ayaa ugu horrey sheegay inay guul lama illaawaan ah u tahay heshiiskii ay kala dhex dhigeen laba beel, isagoo Alle ugu mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay u galeen howlaha nabadaynta iyo natiijadii kasoo baxday, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay inay maanta soo gaarsiiyeen bulshada ay matalaan is-dhexgal iyo in isu lab xaaran yihiin dadkii uu shaydaanka ka dhex adeegtay.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa wax garadkii ka shaqeeyay nabadeynta ugu mahad celiyay shaqadii ballaarnayd ee ay qabteen, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay bulshadii ajiibtay baaqi madaxda iyo nabad-doonnada gobolka inta hartayna ay dhammaystiri doonaan guddigii loo xil saaray.

Mudane; Qaasim ayaa dadkii ku barakacay colaaddii ka dhacday galbeedka Baladweyne ugu baaqay inay kusoo laabtaan guryahooda, wuxuuna ugu baaqay inay isu lab xaarnaadaan lana illaawo wixii dhacay.

Xildhibaan; Yuusuf Xuseen Axmed, ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda caddaaladda ee XFS ayaa sheegay in beelihii dagaallamay uu dhex maray heshiis dhab ah, dadka dagaallamayna ay ogyihiin colaadi waxa ay tahay balse uu sheydaan qaaday haatanna laga walaaloobay, isagoo intaa ku daray in haatan wixii ka dambeeya ay howsha kala wareegayaan guddiyadii la dhaariyay.