Wadamo Afrikaan ah oo shidaal u dhoofinaya Yurub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tanzania, Algeria, Nigeria iyo dalal kale oo Africa ka tirsan ayaa ku jira ridaarka shirkado kale oo shidaal oo waaweyn oo ganacsiyo ku leh qaaradda Yurub, kuwaas oo isku deyaya inay soo afjaraan qandaraaskii ay la galeen qaaraddaasi.

Ilaa iyo hadda, shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ee BP, Shell, ExxonMobil iyo Equinor oo ay leedahay dowladda Norway ayaa qorsheynaya inay xiriirka u jaraan Rushka.

Iyadoo Total aysan sameyn Karin maalgashi cusub, khubarada shirkadaasi ayaa sheegaya, in Africa ay bixisay boqolkiiba 18 shidaalka loo dhoofiyay Yurub tobankii sano ee la soo dhaafay.

Soo saarista shidaalka ee Africa, ayaa haatan la rajeynayaa inay korodho qaybta labaad ee tobanka sano ee soo socota, iyadoo ay soo if baxayaan mashruucyo cusub oo dhanka online-ka.

Shirkadaha Shell, Equinor iyo ExxonMobil ayaa qorsheyaal muhiim ah ka abuuraya dalka Tanzania.

Kaabayaal dhaqaale oo cusub

“Marka dhan loo eego, Poland iyo Bulgaria ayaa u diyaarsanaa in Ruushku ka jarto shidaalkiisa”, ayuu yiri Norbert Rücker, oo ah nin dhaqaaleyahan ah.

“labada dal, ayaa garab ka helay Midowga Yurub, waxayna kamid ahaayeen labadii dal ee ugu horeeyay oo shaaciyay inay soo af jareen qandaraaska shidaalkii ugu imanayay Ruushka”, ayuu intaasi raaciyay dhaqaalayahanku.

Rucker waxaa uu sheegay in lagu wado inay shaqeeyaan labada dhuumood ee shidaal ee isku xiraya Poland iyo Bulgaria ilaa Yurub, waxaana kamid ah dhuunta Baltic-ga, mid mareysa inta u dhaxeysa Norway iyo Poland, ilaa iyo Denmark.

Hadii mashruucaasi la dhamaystiro, dhamaadka sanadkan, bilaha Oktoobar ama Novembar, waxay fududeyn doontaa in 10 bilyan oo mitir kuyuub oo gaaska Norway ah sanad kasta loo dhoofiyo Poland”, ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Poland ee Mateusz Morawiecki.