Wafdi ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta Magaalada muqdisho soo gaaray mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socda dowladaha Masar iyo Kenya, si ay uga qeyb galaan munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddiga diyaarinta munaasabadda Calaama saarka, Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiyadaan ayaa hor dhac u ah wafuud balaaran oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Madaxweynaha oo maalinta khamiista ka dhaceysa Magaaalada Muqdisho, waxaana Dowladaha Kenya iyo Masar ay ka mid yihiin dalalka uu xiriirka ay la keeyihiin uu aad u hooseeyay sanadihii dambe dowladda Soomaaliya.