Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shirka Jaamacada Carabta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo u wehliyo Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Wasiirada Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dhismaha Xarunta Jaamacadda Carabta.

Kulanka oo ahaa kalfadhigii 37-aad ee Wasiirada Cadaaladda Carabta ayaa looga hadlay arrimaha la dagaallanka Argagixisada iyo la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana uu Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya fagaarahan kuso bandhigay horumarada Soomaaliya ka sameysay Cadaaladda iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasiirka oo khudbad qoraal ah la wadaagay Wasiirada Carabta ayaa si faahfaahsan u sheegay in Soomaaliya guulo la taaban karo ka gaartay dhismaha hannaanka Garsoorka maadaama dastuurku xaqiijiyey madax banaanida Garsoorka Dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirka uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirada dhigiisa ee Masar, Ciraaq iyo dalal kale oo carbeed.

Wasiirka aya intii uu joogay Wasaarada ku guuleystay dhameystirka dhismaha guddiga Qaran ee la dagaallanka Musuq maasuqa iyo kamid noqoshadda heshiisyada Caalamiga ah ee ciribtirka musuqa.