Wafdi ka socda dowladda Malawi oo gaaray Magaalada Hargeysa

HARGEYSA-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda Wadanka Malawi, Francis Kasela, ayaa soo gaaray  Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha  Cigaal ee Magaalada Hargeysa waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Wasiirro ka tirsan Soomaaliland, saraakiil iyo Madax kale oo ka tirsan Soomaaliland.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Wariyeyaasha loo diiday inay duubaan wafdiga warbixina ka diyaariyaan, waxaana la geeyay xarunta Madaxtooyada Soomaliland ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Wadanka Malawi Francis Kasela, ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Soomaaliland ayna ka wada hadlaan Arrimo dhowr ah wallow Smaliland fah faahin ka bixin ujeedka safarkiisa.

Soomaaliland ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ay isku dayeysay inay xiriir la sameyo qaar kamid ah dalalka Afrika, waxaana dhawaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi safar uu ku tegay Kenya uu heshiis la saxiiday Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.