Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya Imaaraadka Carabta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Sooomaaliya oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ayaa u ambabaxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Wasiir Duran Farah iyo Wafdigiisa ayaa ka qaybgalaya Shir la xariira Duulimaadyada oo ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah Wasiirada Duulista Rayidka ah ee dalalka Aduunka iyo Gudoomiyaha Ururka Caalamigaa ee duulimaadyada Hawadda .

Shirkaan ayaa looga hadlayaa Horumarinta Duulimaadyadda Rayidka ah, iyadoona Soomaaliya ay ahmiyad wayn uleedahay ka qaybgalka Shirka oo ka dhacaya Magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay lasoo wareegtay maamulka hawadeeda dadaal ugu jirta inay horumariso duulimaadyada rayidka ah ee isaga kala goosha gudaha dalka iyo dibadda.