Wafdi Ka Socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Oo U Ambabaxay Baydhabo

BAYDHABO-AYAAMAHA-Wafdi ka socda Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay kor joogto ka ahaan doonaan doorashada 3-da xubnood aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maanta ka dhaceysa Baydhabo, xili uu socdo diyaa garoow.

Lix Musharax ayaa ku tartamaya saddex kursi oo kamid ah 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, waxaana dadka Musharaxiinta tartameysa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji.