Wafdi Ka Socday Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Gaaray Magaalada Garoowe

GAROOWE-AYAAMAHA-Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada.

 

Ujeedka wafdiga Guddiga ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada kuraasta ugu dambeeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee taalla Magaalada Garoowe.

Afhayeenka Guddiga doorashada Axmed Safiina oo qeyb ka ah xubnaha tegay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in maalinta berri lasoo gaba –gabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee dowlad Goboleedka Puntland, isla markaana ay goobjoog ka noqon doonaan.

 

“Alxamdu lilaah aniga iyo walaalkay C/Wali Maxamuud Cilmi oo ka wakiila ah GHDHF waxa aanu nabad qab ku soo gaadhnay Caasimada Puntland ee Garoowe oo aanu bari hadii Rabbi idmo aanu kusoo khatimayno dhamman doorashada kuraastii Puntland, Allaa Mahad Leh” ayuu yiri Amb Axmed Safiina.

 

Maalinta berri oo jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe ka dhacdo doorashada kuraasta ugu dambeeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana dhaceysa doorashada 6 kursi oo ku harsan Maamulka Puntland