Wafdi Sare oo ka socda Imaaraatka Carabta oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaalita Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay wafdigan uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan oo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyarad siday wafdi sare oo ka socda dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasoo caasimadda u yimid ka qeyb galka caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.