Wafdi uu hoggaaminayo Rooble oo gaaray Dhuusamareeb

DH/MARREEB-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdigaan ballaaran, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyadoona wafdigan ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Galmudug, mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiiro kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdigaan, ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiiragelinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga sifeenayo Argagixisada.