Wafdi xal raadin ah oo Maanta ku wajahan degmada Buulo-Burde

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Xasan Cali Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka wafdiga ka socda Hirshabeelle oo ay qeyb ka yihiin Odayaal iyo xubno kale ayaa waxaa uu yahay sidii ay u xalin lahaayeen xiisad dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd degmada Buulo-burte.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka iyo Mas’uuliyiin kale oo la socda ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka Buulo-burta iyo Odayaasha dhaqanka degmadaas, iyagoona kala hadli doona sidii xal buuxa looga gaari xiisada ka taagan halkaas.

Xiisadaan dagaal ayaa ka dhalatay, kadib markii Ciidanka amniga Buulo-burte ay xireen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo weerar ku qaaday Saldhiga Magaalada, uuna halkaas ka dhacay dagaal kooban oo labada dhinac dhexmaray.

Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagan xiisad u dhaxeeysa laamaha amniga degmada iyo maleeshiyaad degaanka ah kaidb markii Xabsiga la dhigay  kudhawaad 14 dhalinya ah kuwaas oo lagu eedeyay inay weerareen Saldhiga Booliska degmada Buulo-Burde.