Wafdigii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray degmada Xudur

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu horkacayo oo Maanta gaaray Magaalada Baydabo ayaa uga soo gudbay gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa u gaaray magaaladaasi si uu goobjoog uga ahaado caleemo saarka guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka, waxaa kale oo inta uu jooga halkaasi u kuurgeli doonaa xaaladaha kala duwan ee kajira sida kuwa banii’aadnimmo, xog wareysiga howlaha xoreynta, baahinta maamulka iyo adeegyada, xasillinta iyo arrimo kale, isaga kulamo la yeelanaya maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Booqashada wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ee Xudur ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed halkaaas uu kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.

29-kii Oktober ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Fiqi uu booqasho ku tagay Buulabudre ee Hiiraan oo oo ah mid go’doonsan, waana tallaabo ay wasaaradda uga warheyneyso dadka iyo deegaanadda, gaar ahaan kuwa ay ka jirto dhibaatada daran.