Wafuud Ka kala Socda dalalka Caalamka oo soo garay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wafuud Ka kala Socda dalalka Caalamka ayaa soo gaaraya magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka, kuwaasi oo ka qeybgalaya caleema saarka Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la qorsheynayo in lagu qabto gudaha magaaladda.

Wafuudda ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan dalalka Dariska, iyo kuwa kale, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweynayay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maalinta Khamiista ah oo ku beegan 9-ka Bisha Junne ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto xafladda Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ka qeyb geli doona Madax kala duwan.