Wakaalada Wararka ee SONNA Oo Banaanka Soo Dhigtay Qorshihii Farmaajo ee Dekada Berbera.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi ayaa si rasmi ah Xadhiga uga Jaray Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera iyo Mashaariic kale oo laga hirgaliyey Marsada Berbera.

Wakaalada wararka ee SONNA ayaa marna soo hadal qaadin qaraarkii Baarlamaanka ee xaaraantinimeeyay heshiiska DP World iyo Somaliland, kaasoo la meel mariyay March 2018.

Dekada Berbera ayaa dhaqaalaha kasoo xarooda loo saxiiyay Imaaraadka iyo Itoobiya 70%.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa diiday inuu saxiixo qaraarka labada gole ee la meel mariyay kaddib booqashadii kediska ahayd ee Aby Ahmed ku yimid Muqdisho June 2018.

War kasoo baxay SONNA ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad ka jeediyey xadhig ka jarka Mashaariicdaas ayaa sheegay in Dekedda Berbera ay maanta la jaanqaadayso Dekedaha waaweyn ee adduunka Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Dekedda Berbera.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay todobo sharci oo aan soo wada marin labada gole, sida uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare toddobaadkan.