Wakiilka QM Ee Soomaaliya Oo La Wareegey Doorkii Dhexdhexaadinta Mucaaradka iyo Dowladda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in wakiilka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan uu qaatay doorka dhex dhexaadinta hogaamiyaasha Soomaalida ee isku fahmi waayay doorashada Soomaaliya.

James Swan ayaa beesha caalamka u wakiilatay inuu la kulmo dhinacyada dhamaan madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka islamarkaana xal u raadiyo qodobada la isku mari waayay, iyadoo ugu dambeyn uu la kulmi doono madaxda Qaranka.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa aad u dhaliilsan hanaanka doorashada ee Xukuumadu wado, iyagoo ka soo horjeystay gudiga doorashooyinka ay macaawday dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay ayaa waxaa loogu guul daraystay isku day Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor uu isku deyey inuu dhexdhexaadiyo Midowga Musharaciinta mucaaradka iyo Xukuumada Federaalka ee doorashooyinka la isku hayo.

Musharaxiinta ayaa Qoor Qoor ku eedeeyey inuusan dhexdhexaad ka aheyn xalinta iyo tabashooyinka ku aadan Gudiga Doorashooyinka ee lagu Muaransan yahay.