Wakiilkii Hore QM Ee Soomaaliya Oo Xil Cusub Loo Magacaabay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xogyaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres ayaa xil cusub u magacaabay Mr. Nicholas Haysom  oo horay u soo noqday wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Xilka cusub ee loo magacaabay diblomaasigaan oo ah wakiilka gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan arrimaha dalka Koonfurta Sudan, kaasi oo dhowaan u kictimaya magaalada Jubba ee caasimada dalkaasi.

Mr. Nicholas Haysom oo horaantii 2019-ka dowladda Soomaaliya ka ceyrisay dalka, ayaa lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha, isla markaana meel uga dhacay madax bannaanida dalka.

Diblomaasigaan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa horay uga soo shaqeeyay xarunta Qaramada Midoobay eek u taala magaalada NewYork ee wadanka Mareykanka, isagoona haatan loo magacaabay dalka Suudaanta Koonfureed oo ka mid ah wadamada ay aafeeyeen dagaallada sokeeye.