Wakiilkii ololaha doorashada Cabdi Cali Raage ee Kismaayo oo xabsi laga dhigay.

KISMAAYO-AYAAMAHA-La-Taliyaha dhanka Arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in Wakiilkiisa ololaha Doorashada ee Kismaayo ay xalay xabsiga dhigeen Ciidamada Ammaanka Magaalada Kismaayo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Maanta la geeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo si looga soo musaafuriyo Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Cabdi Cali Raage.

War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho
kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga.

Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan

Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay.

Waxaan marka labaad ku baaqayaa in muwaadinkan gurigiisa iyo caruurtiisa aan lakala go’doomin hadii uu danbi leeyahayna haayadaha cadaalada la hor geeyo hadii kalana xoriyadiisa loo celiyo.

In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah.