War cusub oo kasoo kordhay ninka loo haysto dilkii Raysul Wasaarihii Japan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska dalka Japan ayaa qiray in uu liitay qaabka loo sugayay amniga Raysul Wasaarihii hore ee dalkaas, Shinzo Abe, kaasoo Jimcadii toogasho lagu dilay xilli uu ku sugnaa magaalada koonfurta ku taalla ee Nara.

“Lama inkiri karo inay dhibaato ka jirtay dhinaca amniga,” ayuu yiri taliyaha taliyaha booliska ee magaalada Nara, oo lagu magacaabo Tomoaki Onizuka.

Nin ku hubaysnaa qori macmal ah ayaa rasaas ku furay Abe oo ka hadlayay isusoobax siyaasadeed oo qayb ka ahaa ololaha doorashada.

Fal-dambiyeedkaas ayaa argagax galiyay guud ahaan dadka reer Japan.