War cusub oo kusoo kordhay xaalada caafimaad ee Afhyaeenka Xukuumada Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaan goordhow tagay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagu dhabiibayo walaalkey Maxamed Ibraahim Macalimu.

Maxaa Soo Arkay?

Inkasta oo la ii sheegay inuu ku hormaray Emergency qeybta CPR-ka, laakin aniga waxaan tagay isaga oo ku jiray qeybta CT scan-ka, markii aan muddo joognay ayaa laga soo saaray isaga oo qalabka neefta ku xirnaa, gaarina lagu wado, waxaana loo gudbiyey qeybta kale general ICU taas oo uu hadda uu ku jiro!

Jawaabii aan helay:

Macalimu waxaa uu dhaawaca dartii ka jabay lugta, waxaa kale oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan iyada oo ay jirtay jug xoogan oo xabadka ah oo dhiig ku celisay, neefta ku adkeysay.

Xalka:

Dhanka xabadka, dhiggii yaraa waa laga bixiyey, neef ahaanna uma baahna ventilator ee waxaa ku xiray hadda neefsiiye caadiga ah, dhiigga neefta na waa normal 98.

Dhanka lugta waxaa uu mari doonaa qaliin, halkan gacanta aan la ogeyn iney u baahan doonto iyo in kale.

Rajo: Marka la fiiriyo jugta heshay xoogeeda, Macalimu waa uu badbaaday, dhakhaatiirta la tacaaleysa oo ay ka muuqatay dadaal dheer, waxay ku kalsoonyihiin in xaaladiisa ay dibad xitaa u baahneyn, waxaana bogaadin mudan Digfeer maamul iyo dhakhaatiirba.

Booqasho: Marka laga soo tago dayacaaddiisa xagga ilaalo la’aanta ah xilliga dhaawaca ilaa hadda uma iman mas’uuliyiin dowladda ah sida Rooble oo uu afhayeen u ahaa.

Amni Dheeraad ah: Waxaan ku baaqayaa in hadda ilaalo dheeraad ah la geeyo isbitaalka, isla markaana si degdeg ah loo qaado haddii dibadda loo baahdo.

Waxaa qoray Gurbiye