War cusub oo laga helay dagaalkii Maanta ka dhacay Degmada KAARAN

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciise Maxamuud Xasan oo ah Guddoomiyaha Maamulka degmada kaaraan ayaa tilmaamay in askar ka amar qaata Korneyl Saneey Cabdulle oo ah Taliyaha Guutada Afaraad ee Ciidanka xoogga dalka ay dagaal kusoo qaadeen waax kamid ah waaxyaha degmada Kaaraan.

Isagoo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Millateriga ay boob ku hayaan dhulka degmada iyo Kaawooyinka ,isla markaana ay ka codsanayaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya in arrintaasi uu wax ka qabgo.

Dagaalka ayuu sheegay inuu saameeyay Xaafadaha Wajeer iyo Faanoole, dad badan ay barakaceen , sidoo kale uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka billowday duleedka  Bari ee degmada Kaaraan, waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in uu u dhaxeeyay Ciidamo ay kala hoggaaminayaan Korneyl Saneey Cabdulle iyo Ismaaciil Xaadoole oo labaduba ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.