Wararka ugu dambeeyay dab ka kacay Isgoyska Banaadir

MUQDISHO-AYAAMAHA-Goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa ka kacay dab xoogan, ayada oo illaa hadda aan la garaneyn waxa sababay, lama yaqaanno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase-ahaatee olol xooggan ayaa cirka isku shareeraray.
Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, ayaga oo isku dayaya inay dabka damiyaan.

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale gaaray goobta, hase-ahaatee ciidamada dowladda ayaa cirka u tuuraya risaas si dadka aysan ugu dhowaan halista dabka.

Dabka ka kaca suuqayada ayaa aad ugu badan Muqdisho, ayada oo dhowr mar uu gubteen suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyo kale oo yaryar oo ku yaalla magaalada.

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaalida ayaa waxaa si joogta ugu kaca dab geysta khasaaro farabadan, lamana yaqaano waxaa sababa.