Wararkii u dambeeyay ee xaaladda Magaalada Boosaaso.

BOOSAASO-AYAAMAHA-Xaalad daganaasho ah ayaa saaka laga dareemayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka jirtay xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidanka Puntland iyo kuwa PSF.

Ciidan farabadan oo iska soo horjeeday ayaa xalay soo buux dhaafiyey Boosaaso oo xaalad cabsi ah gelisay Magaalada, wallow markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay, waxaana la sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan Puntland lagu arkayey meel ku dhow xaafadda ay degan yihiin Ciidamada PSF.

Dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahday cabsi dagaal ka dhex dhaco Ciidanka Maamulka iyo kuwa PSF, kadib markii lagu guuleysan waayay xalinta xiisada ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Xiisadan dagaal ayaa ka dambeysay kadib markii Saciid Cabdullaahi Deni uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidanka Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, balse uu kasoo horjeestay xilka qaadistaas.