Wararkii u dambeeyay kulamada dhex-dhexaadinta Farmaajo & Rooble iyo meelaha ay kala taagan yihiin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa weli Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ka socda kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulamada ayaa waxaa wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana kulamada oo xalay billowday kasoo baxaya kulamo warar duwan.

Meelaha sida adag la iskugu hayo ayaa ah.

Dhanka VIlla Soomaaliya.

Awoodda guud ee dalka gaar ahaan awoodda maamulka ciidanka oo dhanka Villada ay qabto in Taliyaha guud ee ciidanka uu yahay Madaxweyne Farmaajo.

  1. 2 in taliyaha Magacaaban ee KMG ah ee dhanka Ra’iisul Wasaare Rooble meesha laga saaro lana soo magacaabo mid cusub oo heshiis lagu wada yahay.
  2. 3 Villa Soomaaliya, ayaa si adag u diidan Wasiirka Amniga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.
  3. 4 Kiiska Ikraan, ayaa si ahaan Villada ay leedahay haloo daayo Amniga iyo Cadaaldda, Erayga Amniga ayaana aad u caddayn.

Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in arinta Ikraam loo daayo Maxkamadda Ciidamada si Madax-banaan.

  1. In Amniga dalka iyo doorahada uu asaga mas’uul ka yahay.
  2. In taliyaha Magacaaban ee KMG ah Bashiir Goobe uu yahay Taliyaha NISA.
  3. In Wasiirka Amniga uu yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur.
  4. Halka ugu adag Waa Wasiirka Amniga iyo Taliyaha NISA ee Bashiir Goobe.