Wararkii U Dambeeyay Weerar Lagu Qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobalka Gedo, kadib weerar ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa saraakiisha howlgalka hoggamineysa waxaa ay sheegeen inay sigaar ah howlgalka uga sameeyeen degaannada, Meyka-reebo meysqode iyo degaano kale oo hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Abaaduulaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciidamada xoogga dalka Cismaan Sheekh Cabdi Qorax  ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada, isla markaana weerarkaas ay Ciidamada dowladda fashiliyeen.

Waxa uu sheegay in weerarkaas ay ciidamada howlgallo uga jawabeen, kaas oo ay ka fuliyeen degaano degmada Garbahaareey u jira 25km, Sidoo kalena dagaal kooban ay la galeen ay khasaaro ku garsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degaannadii ay ciidamada Dowladda howlgalka ka fuliyeen ee lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.