Wararkii u dambeeyey abaabul dagaal oo aad looga dareemayo Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saacadihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanaya hadal heynta ka dhalatay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo la dareemayo Muqdisho iyo abaabula dagaal oo ka dhan ah Dawladda uu hogaamiye Farmaajo.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa isku dadaaladii u dambeeyey iyo shirar looga arinsanayo arimahaasi ay socdeen maalmahaan oo garwadeena looga dhigayo saraakiil qaarkood xilal ciidan soo qabtay.

Agaasimihii hore ee NISA General C/raxmaan Tuur yare ayaa ballan qaaday inuu diyaar u yahay hogaaminta ciidanka bad baado qaran 2 oo caasimada la doonayo in dib loogu soo celiyo.

Taas badelkeeda dawlada ayaa ka feejigan tallaabo walbo oo ciidanka amniga lid ku ah xamarna laga sameyn karo,iyadoo fariisimaha qaar ciidan xoojin ah la geeyey.

Walaaca ugu weyn ayaa soo baxay markii shalay degmada Kaaraan lagu qabtay shir saraakiil amni,gudoomiyaha gobolka banaadir,wasiirka Amniga iyo Kusimaha Taliyaha NISA ay kawada qeyb galeen.
Siyaasiyiinta iyo saraakiisha mucaaradka ayaa u arka damac la doonayo in degmada Kaaraan lagu duulaan qaado iyadoo lagu mar marsiyoonayo in amni daro dhac taleefoonada ah ka jiro.
Dhinaca Dawlada waxaa la sheegay in cabsida dhankeeda laga qabo in weerarka ay qaado maadaama ciidan badan ay tababar ka keensatay islamarkaana diyaarado drone ah ay lasoo degtay waana tan wel welka sii kordhiyey.
Cabsi xoog leh ayaa jirta caasimada muqdisho balse howsha weli si caadi ah ayuu qof walbo uwataa,waxaana sii kicinaya xaalada baraha bulshada oo dagaal in uu dhici karo bulshada looga sheegayo.