Wararkii u dambeeyey Al-shabaab oo la wareegtay deegaanka Ceel-dheere.

AL-SHABAAB IYO Baraawe
AL-SHABAAB IYO Baraawe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya in xubno ka tirsan  Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceel-dhee ee gobolka Galguguud oo Dhuusamreeb u jirta  qiyaastii 30KM.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in kooxda  Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, islamarkana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka Iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, kadib markii qarax ay ku xireen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ula wareegi lahaayeen degaanka Ceeldheere ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Majirin wax iska horimaad ah oo deegaanka ka dhacay, sida uu  sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo lahadlay warbaahinta  Alshabaab ayaa mudooyinkii lasoo dhafay labo jibaaray Dagaalka ka dhanka ah ciidanka xoogga iyagoona la wareegay tuulooyin dhoowr ah.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sinabad ah ula wareegeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayna qarax ku burburiyeen Saldhiga Booliska degmadaas walow markii dambe isaga baxeen.