Wararkii U Dambeeyey Banaanbax Ka Socda Muqdisho

Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho waxaa Maanta dibadbax ka dhigay Waalidii sheegay in dowladda Soomaaliya ay Carruur ay dhaleen uga qaaday dalka Ereteriya si loo askareeyo, hayeeshee ay la’yihiin muddo dhowr sano ah.

Waalidiinta oo isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ay sheegeen in Carruurta qaarkood, iyaga oo aan ogeyn ay dowladda Soomaaliya si qarsoodi ah diyaarad uga qaaday magaalada Muqdisho, isla markaana nolol iyo geeri aysan ku heyn mudana aysan la soo hadlin.

Banaanbaxayaasha Waalidiinta ahaa ayaa waxaa ay sheegeen qaarkood in xitaa Carruurtooda aysan in muddo maqal hadalkooda, isla markaana ay la’yihiin, iyagoona ugu baaqay Madaxda dowladda inay dib u celiyaan wiilashooda loo qaaday tababarka.

Sidoo kale Waalidiinta ayaa sigaar ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga dalbaday inuu hor yimaado, uuna ka qanciyo cabashada ay qabaan ee la xiriirta Carruurta ka maqan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee waalidiintaan ay caruurta ka maqan tahay ay dhigaan banaanbax ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego caruurtooda la sheegay in dowladda ay tababar ugu qaaday dalla ereteria.